Wasiirada ugu muhiimsan dowlada oo cambaareeyey qeraxi Ismiidaaminta

Wasiirada arrimaha gudaha iyo Gaashaandhiga dowlada KMG Soomaaliya ayaa cambaareeyey weerarki isqarxinta ahaa ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya C/samad Macalin Maxamuud oo saakay ka warbixiyey qaraxi shalay ayaa sheegay in kooxihi ka danbeeyey ay laayeen dad masaakiin ah oo aanan waxba galabsan.

Mr Maxamuud ayaa tilmaamay in aanan la dhihi karin qaraxi shalay inuu ahaa mid muujinaya in amaanka caasimada uu noqday mid liicay balse ay qof ugu tala galay inuu is dilo aysan jirin cid celin karta ama ogaan karta.

“Lama dhihi karo nabad galyadi ayaa la sugi waayey marka uu qarax dhaco waayo qof baa naftiisa dilay, arinti maanta dhacday waa arin aad u xun oo naxdin leh waayo dad masaakiin ah ayaa la dilay oo aanan waxba galabsan, ciidamada amniga waxaan ugu baaqayaa in ay laba laabaan dadaalka,”

Shacabka ayuu ugu baaqay in ay muujiyaan feejignaan isaga oo intaasi ku daray in Al Shabaab ay beegsanayaan dadka rayidka ah.

“Waxaan u sheegayaa shacabka in ay ka digtoonadaan shacabka waayo waxa lala beegsadaa dadka masaakiinta ah, ragaan waa cadaw doonaya in ay baabi,iyaan mujtamaca oo dhan,” ayuu yiri.” ayuu yiri.

Dhanka kale wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya Xuseen Carab Ciise ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay iska celiyaan Al Shabaab oo uu ku tilmaamay kooxo baneysatay dhiiga shacabka Soomaaliyeed.

Qaraxi shalay oo ka dhacay maqaayad u dhaw Hotelka Muna ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ku dhintay 11 ruux halka ay ku dhaawacmeen 15 kale.

 
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.