Wasiirada G8 oo taageero u muujiyay dowladda Soomaaliya

Shir labo cisho uga socday wasiirada arrimaha dibadda dalalka warshadaha horay ugu maray ee G8 magaalada London ayaa wax yaabaha ay ugu hadleen waxaa ku jirtay arrinta Soomaaliya.

Shirka gabagabadiisa ayaa waxaa laga soo saaray war-mutiyeed lagu soo dhaweeyay horumarka dhinaca amaanka ah ee ay Soomaaliya ku talaabsatay 18-kii bilood ee la soo dhaafay, xilli kala guurkii siyaasadeed iyo hormarka dhinaca xaaladdaha bani aadnimo.

Wasiiradda ayaa aqoonsadaytaageerada weyn ee ay AMISOM ka geysatay soo celinta nabadda Somalia , doorka midowga Africa, dalalka ciidamada ugu deeqay howlgalka, Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo deeq bixiyeyaasha caalamiga ah.

Sida lagu sheegay war-murtiyeedka wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka G8 ayaa hoosta ka xariiqay baahida loo qabo sii wadista taageerada beesha caalamka ee dowladda Somalia, waxaa kalooy wasiiradu ay sheegeen in shirka labaad ee Somalida ee ka dhacaya magaalada London bisha May looga gon leeyahay in lagu hirgeliyo qorshooyin dhowr ah oo ay Somalia hormuud ka tahay, oo lagu dhisayo ciidamada amaanka, garsoorka iyo hanaan lagu maamulo maaliyadda.

Shirku ayaa lagu soo bandhigay taageero la siiyo dowladda Federalka ee Soomaaliya.

Waxaa kaloo shirka London xigi doona shir isna bisha May ka dhici doona dalka Japan oo xoogga lagu saari doono amaanka iyo mid kale oo uu martigelinayo Midowga Yurub bisha September, oo isna looga hadli doono dib u dhiska Somalia iyo horumarinta siyaasadda.

Wasiiradu waxey sheegeen in shirarkaasi oo dhan ay siinayaan dowladda cusub ee Somalia inay qaadato doorka hogaaneed ee dib u dhiska Somalia.
Wasiirada arimaha dibadda ee dalalka G8 waxey isku raaceen in taageero sareeyso oo siyasadeed la siiyo qorshaha dowladda Somalia ay ku dooneyso inay ku soo celiso xiriirkii kala dhaxeeyay Banka Aduunka , Baanka horumarinta Africa , iyo hayadda lacagta aduunka ee IMF.

Waxey sheegeen in hay’adaha ay door lixaad leh ka qaadan karaan soo nooleynta dhaqaalaha Somalia iyo in Somalia ay awood u yeelato inay soo jiidato maalgashiga shisheeye iyo balaarinta ganacsiga.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here