Wasiirada Cusub Qaarkood oo Maanta Kursiga la Wareegaya

Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya ayaa hada waxa ka socda qaban qaabada xaflado ay xilalka kula wareegayaan wasiiradii hore ee Xukuumadda Dr Gaas iyo wasiirada cusub ee Xukuumadda Dr Saacid.

Sida masuuliyiin ka tirsna Dowladda ay inoo sheegeen xafladaha xilwareejinta ayaa waxa ay ka dhaceysa xarumaha ay ku yaalaan wasaradahaasi maanta xillalka wareejianaya.

Wasaaradaha maanta xil wareejinta sameynaya ayaa waxaa la sheegay inay kamid yihiinWasiirka Warfaafinta Xukuumaddii KMG aheyd Wasiirka Gaashaandhiga Wasiirka Maaliyada iyo sidoo kale Wasiika qorsheynta.

Xukuumadii C/wali Maxamed Cali Gaas ee meesha ka baxday wasiiradeeda ayaa shalay kulan guriga Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Soomaaliya waxa ay kulan isbarasho ah kula qaateen wasiirada cusub iyadoo halkaasi lagu iclaamiyay waqtiga wasiirada qaar ay wareejinayaan xilalka.

Wasiirada kale ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa malamaha soo socda laguwadaa inay iyaguna wareejiyaan xilalka

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here