Wasiirada arrimaha dibadda IGAD oo ku shiraya Addis Ababa

Waxaa maanta oo Jimco ah magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia ka furmaya shirka wasiirada arrimaha dibedda urur gobaleedka IGAD, shirkan ayaa wuxuu hordhac u yahay shirka madaxda IGAD oo Sabtida berri isna ka furnaya xarunta midowga Africa ee Addis Ababa.

Shirka wax yaabaha meesha sare ugu jirra waxaa ka mid ah arrinta Soomaaliya, waxaana Soomaaliya u matalaya wasiirka arrimaha dibedda ahna ra’iisal wasaare ku-xigeen Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan.

Shirka waxaa kaloo looga hadli doonaa ka bixitaan ciidamada Ethiopia qaybo ka mid Soomaaliya.

Sidoo kale madaxweynah Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isna khamiistii gaaray magaalada AddisAbaba, waxana garoonka diyaaradaha Ebolo ee Addis Ababa ku soo dhaweeyay ra’iisal wasaaraha Ethiopia Heila Maryam Deseling iyo danjiraha Soomaaliya u fadhiya Ethiopia.

Sida ay lee yihiin wariyaasha ku sugan Addis Abaab madaxweynaha ayaa la filayaa in uu khudbad ka soo jeediyo shirka oo uu uga hadlaayo arrimo badan.

Shirka waxaa kaloo hareen doonaa xiisad kaa taagan qaybo kamid ah qaaradda sida colaada ka aloosan dalka galbeedka ku yaalla ee Maali.

Waxaa kaloo soo qaybgali doonaa inta badan madaxda urur gobaleedka IGAD, sida Kenya, Ethiopia oo marti loo yahay, Uganda, Soomaliya iyo Tanzania.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here