Wasiirada arimaha Gudaha $ Gaashaandhiga oo Marko gaaray

GoodaxWasiirka Arrimha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya C/laahi Goodax Barre iyo sidoo kale Wasiirka Gaashaandhiga Max’ed Sh Xasan Xaamud, ayaa maanta gaaray magaalada Marka.

Wararka ayaa sheegaya in wafdigan oo sii raacay diyaarad helicopter ah ay maanta ka degeen deegaanka Ceel Jaalle kadibna ay u gudbeeen magaalada Marka iyagoo deegaanka Ceel Jaalle ay ka sii raaceen ciidamo AMISOM ka mid ah.

Ujeedka Wafdiga Xukumadda  ka socda ayaa ah in ay Xal ka gaaraan Dagaalka Gobolka Shabellaha Hoose oo maalmihii la soo dhaafay uu ka soconayey dagaal u dhaxeeya Beelo Wada daga Gobolka.

Waxaana Xubnaha wafdiga u diray Gobolka Raisul wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya C/wali Sh Axmed si loo xaliyo Dagaalka ka socda Gobolka Shabellaha Hoose.

Xaalada degmada Marka ayaa weli degan inkastoo dad badan ay ka qexeen magaalada, maamulkii degmadana ay ka mid noqdeen dadka ka cararay magaalada Marka kadib markii maleeshiyo ka mid ah dhinacyada dagaalamay ay qabsatay degmada Marka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here