Wasiirada arimaha dibadda Soomaaliya iyo Talyaaniga oo kulmay

Wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya ahna Ra’iisulwasare kuxigeenka marwo Fowsiyo Xaaji Aadan ,oo beryahaanba socdaal ku mareeysay dalal badan oo Yurub katirsan, ayaa shalay waxay kulan la qaadatay dhigeeda Talyaaniga Mr Giulio Terzi.

Kulankan oo ah kii ugu horeeyay oo ay labada wasiir kulmaan, ayaa waxaa looga hadlay arimo farabadan, sida in laxoojiyo xiriirka labada dal, iyo sidii ay doowlada Talyaaniga ugu qayb qaadan lahayd dhisida hay’adaha doowlada.

Wasiirka Arimaha dibadda ee dalka Talyaaniga Mr Giulio Terzi  o okulanka ka dib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay  in uu si weyn ugu faraxsan yahay booqashada  Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya  Marwo Fowsiyo oo uu sheegay in ay daba joogto booqasho uu sanadkii hore ku tagay magaalada Muqdisho, waxa uuna ku celceliyey in dowladda talyaaniga ay  ka go’antahay  wada shaqeyn dhinac kasta ah oo ay la yeelato dowladda Federalka ah ee Soomaaliya .

“Kulanka aan wada qaadanay aniga iyo wasiirka arimaha dibadda Talyaaniga Mr Giulio Terzi, waxa uu ahaa mid kusoo dhamaaday guul iyo is afgarad” ayay tiri wasiirada arimaha dibadda Soomaaliya, oo iyadana goobta kahadashay.

Waxaa xusid mudan in Soomaaliya iyo Italy uu kadhaxeeyay xiriir qoto dheer oo soo jireen ah, inkastoo waayadii danbe qaasatan xiliyadii bur burka uu xiriirkaas kuyimid hakad, laakiin hada ayuu u muuqdaa mid soo laba kacleeynaya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here