Wasiirada arimaha dibada Soomaaliya oo gaartay Jabuuti

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Soomaaliya ahna wasiirka arrimaha dibedda Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa shalay waxay gaartay wadanka Djibouti, wasiirada ayaa lagu wadaa ineey ka qayb gasho shir ay isugu imaanayaan wasiiro arimo dibadeedka doowladaha Islaamka.

Marwo Fowsiya ayaa waxay hogaamineeysaa wafdi balaaran oo lagu wado ineey Djibouti uga qayb galaan  shirka Ururka Iskaashiga Islaamka IOC oo maalinta berri ka furmaya caasimada Djibouti.

Wasiirada arimaha dibada Soomaaliya ahna RW ku xigeenka Marwo Fowsiya ayaa lagu wadaa ineey shirka ka jeediso qudbad taabaneeyso dhinacyo badan iyo isbadaladii ugu danbeeyay ee Soomaaliya.

Shirka inta uu socda ayaa la filayaa in lagu soo hadal qaado  arrimo ay ka mid yihiin xaallada Soomaaliya gaar ahaan isbadalka ka dhashay dalka ku yaalla geeska Africa.

Socdaalka marwo Fowsiya ayaa noqonaya safarkii ugu horeeyay ay ugu anbo baxdo dibada tan iyo markii loo magacaabay xilkaan, sidoo kale waa markii ugu horeesay taariikhda Soomaaliya ee xil nuucaan oo kale ah loo magacaabo haweeneey, waxaana talaabadaan aad usoo dhoweeyay beesha Caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here