Wasiirada Arimaha Dibada oo Maanta kulan la Qaadaneysa Wasiirka Arimaha Dibada Kenya

Haweeneyda Soomaaliya u qaabilsan arimaha Dibada ayaa Maalintii shalay ahayd soo gaartay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.

Wasiirada arimaha Dibada Soomaaliya Marwo Fowziyo ayaa Maanta kulan la qaadaneysa Wasiirka arimha Dibada Dalkan Kenya, waxayna labada wasiir arima dibadeed ay ka wada hadli doonaan arimaha Labada Dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

Labada masuul ayaa si gaar ah uga hadli doona sii xoojinta xiriirka labada dal ee Dariska ah, waxaana sidoo kale warar hoose ay sheegayaan in laga wada hadli doono ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya.

Wixii warar ah ee ku saabsan kulanka labada wasiir kala soco wararka dambe Insha Allaah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here