Wasiirada arimaha dibada oo ka warbixisay shirkii Urur goboleedka IGAD Dhagayso

Wasiirada arimaha dibada ahna Ra’iisul wasaare ku xigeenka, Marwo Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, oo maanta dalka dib ugu soo laabatay kana soo qayb qaadatay shirka wasiirada arimaha dibadda urur goboleedka IGAD, ayaa sheegtay in Soomaaliya ay guul weyn kasoo hoysay shirkaas.

Marwo Fowsiya, oo warfidiyeenka kula hadleeysay garoonka diyaaradaha ee magaalada muqdisho, ayaa sheegay in madaxda Urur goboleedka IGAD, ee shirka kasoo qayb galay ay aqbaleen dhamaan waxyaabihii ay dalbatay doowlada Soomaaliya.

“Waxaa dhamaan laysku raacay Soomaaliya in loo daayo madaxtinimadeeda iyo howlaheeda, dib u dajinta iyo dib u dhiska dalkeeda ineey iyada masuul ka tahay laguna daba joogo laguna taageero” ayay tiri wasiirada arimaha dibada, Marwo Fowsiya.

Halkaan ka dhagayso codka wasiirada:[powerpress: url=”https://midnimo.comm/wp-content/uploads/2013/05/DHAGEYSO-WASIIRKA-ARIMAHA-DIBADA-OO-FAAH-FAAHINAYSA-SHIRKA-IGAD-AY-UGA-SOO-QEYBGALEEN1.mp3″]

Madaxda Urur goboleedka IGAD, ayaa labadii maalin ee lasoo dhaafay waxa uu shir uga socday magaalada ADDIS-ABABA ee xaruunta dalka Ethiopia, waxaana shirkaan diirada lagu saarayay isbadaladii ugu danbeeyay ee dalka Soomaaliya, iyadoona laga soo saaray war murtiyeed ka kooban 16 qodob, sidoo kale waxay madaxda IGAD ee shirka kasoo qayb galay ay ogolaadeen in doowlada Soomaaliya looga danbeeyo arimaha maamul u samaynta gobolada dalka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here