Wasiirad Maryam Qaasim oo arrimo murugo leh kusoo aragtay Waajid

Wasiirka wasaaradda gargaarka iyo maareynta masiibooyinka ee xukuumadda Soomaaliya Dr. Maryan Qaasim Axmed ayaa ka warbixisay safar ay ku tagtay degmada Waajid ee gobalka Bakool iyo waxa ay ku soo aragtay magaalada.

Wasiirka ayaa sheegtay in Waajid ay ka jirto xaalad laga naxo, waayo waxaa magaalada laga xannibay waddooyinkii soo galayey oo waa magaalo go’doonsan.

Waxa ay sheegtay in wixii ay ku soo aragtay Waajid ay la murugootay maadama magaalada waxa yaalla xitaa ay yihiin kuwa gaari dameero ama mootooyinka bajaajka lagu keenay.

“Waajid markii aan ka warramo, anniga maanta caloolxumo weyn ayaa iiga soo korartay, waayo xaaladda Waajid ay ku sugan tahay waa degmo waddo soo gali karin jirin waa degmo afarta geed ka go’doonsan, waxa yer ee Waajid yaalla waxa lagu lee yahay waa wax gaari dameer lagu keenay, wax bajaad lagu keenay oo mararka qaar lagubaayo”ayey tiri wasiirka.

Dhinaca kale, wasiirka ayaa daahfurtay mashruuc lagu afurinaayo bisha Barakeysan 1.1 Malyuun oo Soomaali kuwaaoso ku nool dalka oo dhan, sida ay sheegtay.

Si kastaba, wasiir Dr. Maryan Qaasim Axmed ayaa muddooyinkii dambe booqanaeysay degmooyinka abaartu ay ku dhufutay ee gobollada dalka.

Halkan Hoose ka dhageyso Codka wasiirka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here