Wasiir xigeenka arimaha dibada Kenya oo Muqdisho kula kulmay madaxweyne Shariif

Wasiir ku xigeenka wasaarada arrimaha dibada dalka Kenya Richard Momoima Onyonka oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa xarunta madaxtooyada kula kulmay madaxweyne Sheekh Shariif.

Richard Momoima Onyonka oo marki ugu horeysay soo gaaray Soomaaliya ayaa kala hadlay madaxweynaha xiriirka labada dal, sidoo kalana waxa ay isla soo qaadeen ciidamada Kenya ee ka qeybqaadanaya howlgalka AMISOM.

Mr. Onyonka ayaa balan qaaday in sida ugu dhaqsaha badan ay Kenya uga furan doonto magaalada Muqdisho safaarad.

Kenya ayaa ah dalka kaliyah ee aanan ku laheyn safaarad dalka Soomaaliya, marka laga eego dalalka dariska la ah ee dhaca bariga Africa.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.