Wasiir naqdiyay digreetadii Madaxweynaha (halkan ka Dhageyso Khudbada).

Digreeto uu ku saxiixan yahay Wasiirka Beeraha & Xannaanada Xoolaha Dowladda KMG Maxamed Maxamuud Xaaji Ibraahim ayaa lagu sheegay in Dowladda ay ka noqotay aqoonsiga ay siisay maamulka Khaatumo State, kaasoo ka dhisan ee looga dhawaaqay Gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn.

Madaxweynaha Dowladda KMG Shariif Sh. Axmed ayaa taariikhda markey aheyd 5-03-2012 si cad aqoonsi u siiyay maamulkaasi kadib markii wada hadalo la galeen Madaxda Dowladda.

Qoraalkani uu ku saxiixan yahay Wasiirka Beeraha sheegtayna inuu yahay Kusimaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in Dowladda ay ka noqotay aqoonsigaasi, iyadoo arintani ay u muuqato mid ay ku kala jabsan yihiin Madaxda Dowladda.

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda KMG ayaa la aaminsan yahay in amarkani lagu naqdiyay qoraalka Madaxweynaha soo faray wasiirkiisa, taasoo muujineyso kala qeybsanaan ku saabsan arintani.

Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa sidoo kale arintani farsamadeeda iska leh, iyadoo ay u arkaan mid dhabar jab ku ah jiritaanka maamulka Puntland.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa ku qanacsaneyn aqoonsiga iyo jiritaanka Khaatamo oo ay u arkaan in Somaliland lagu kala qeybinayo.

“Waxaan rabaa inaan caddeeyo, maamulada dhismay, midnimadooda iyo wada jirkooda oo aan taageeryno, waxaana u heysanaa iney tahay guul ummada Soomaaliyeed u soo hoyatay, maadaama Dowladdii Dhexe ay tahay waxaa nala gudboon in albaabka la furo oo dadka la soo dhoweeyo, laakiin ujeedada ma ahan qeybin iyo burburin maamul dhisan, ee waa inaan raadino fursada lagu mideyn karo deegaan kasta iyo dadka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda KMG oo caddeeyay in aysan jecleyn kana shaqeyneyn burburin maamul dhisan.

“Soo dhoweynta Khaatumo waxaan u arkeynay howl gacanta Soomaaliyeed ku jirto, ujeedadana waxay tahay in dadka Soomaaliyeed la wada hadal siiyo, nabad lagu wada noolaado, habka maamulkana laga wada heshiiyo, arintaasina ay dowladda abuuri karto, taasna waxaan ka wada hadalnay walaalaheena Khaatumo, waana wada gaarsiinay Labada Maamul ee kale” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed mar uu ka hadlayay mowqifka Dowladda ay ka taagan tahay dhismaha maamulka Khaatumo.

Halkan ka dhageyso khudbadda Madaxweynaha uu uga hadlayay aqoonsiga Khaatamu State

maamul dhisan si dadka loo mideeyo,  ha ahaadaan Puntland ama Somalilandan midnimadooda taageerno aragShariif Sheekh Axmed  wuxuu sheegay in aqoonsiga ay siisay Dowladda Soomaaliya, maamulka Khaatuma ay u arkeen fursad ay ku

Hase ahaatee aqoonsigani Madaxweynaha uu siiyay Maamulka Khaatumo State ayaa ku soo beegmeysa xili beesha caalamka ay ku baaqday in ay wada hadlaan Dowladda KMG Soomaaliya iyo maamulka la magac baxay Somaliland.


Ali Muhiaddin Ali
Xafiiska Midnimo Yurub
Muxiyaddiin@hotmail.com