Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Siihayaha Safaaradda Yemen ee Muqdisho oo kulmay

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Eng. Maxamed Aadan Axmed ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Siihayaha Safaaradda Yemen ee Muqdisho Danjire Fuad Mohamed Al-zurqah , iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo fududeynta qaabka maraakiibta Soomaaliya ee fadhida dekadda Cadan loogu soo kaxeyn lahaa dhanka Caasimadda Muqdisho .

Wasiir kuxigeenku , wuxuu muujiyay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay diyaar u tahay inay maraakiibtaasi dib u keento dalkeeda , si loo howlgaliyo , loona dayactiro , isagoo rajeeyay in lagu guuleysan doono , xalna loo heli doono arrimaha kale ee taagan .

Eng. Maxamed Aadan , waxa uu kala hadlay Danjire Fuad Mohamed  Al-zurqah qaabka ugu haboon ee dowladaha Soomaaliya iyo Yemen ay u sameyn lahaayeen iskaashi dhinacyo badan leh , iyadoo la ogsoon yahay in Labada dal ay ka dhaxeyso taariikh ilbaxnimo oo qoto dheer .

Kulankan , oo uu goob joog ka ahaa agaasimaha waaxda Carabta ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Yuusuf Cali Maxamed “ Afgooye” , ayaa ku dhamaaday jawi isfaham leh.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

1 COMMENT

  1. Waxan jahilinta ah e waziraada isku sheegaya they need to be taught how to wear attire specially when they are meeting foreign dignitaries. Kofiyaadan xun wa in laga mamnuca. What a desgrace.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here