Wasiir ku Xigeenkii Wasaarada Maaliyada ee is Casilay iyo Sababihii uu isku Casilay waa Maxay?

Mid ka mid ah wasiiro ku xigeenadii shalay uu magacaabay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya C/faarax Shirdoon Saacid, ayaa maanta isaga cararay xilkaasi iyadoo xitaa aanu magacaabistiisa kasoo wareegan 24-saacadood.

Mas’uulka Is casilay ayaa lagu magacaabaa Abukar Xasan Cali, waxaana uu ahaa wasiir ku xigeenka wasaaradda Maaliyadda ee xukuumada Soomaaliya, laakiinse maanta ayuu xilkaasi iska casilay

Beesha uu kasoo jeedo ee Gaal-jecel ayaa la sheegayaa inay diideen xilkaasi ayna ku amreen in uu is casilo taa oo amakaag ku noqotay golaha wasiirada Soomaaliya.

Wasiirka ayaa saxaafadda kula hadlay galabta magaalada Muqdisho waxaana uu sheegay in maanta wixii ka dambeeya aanu ahayn wasiir ku xigeenka maaliyadda ka dib markii aysan qanacsaneen Beesha uu kasoo jeedo.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here