Wasiir ka tirsan UK oo ku sugan gobalka

Wasiirka Britain u qaabilsan arrimaha Afrika Mark Simmonds oo socdaal ku jooga gobalka ayaa kulamo la yeelanaya madaxda waddamada ciidanka ku deeqay howgalka AMISOM ee dalka Soomaaliya.

Wasiirka oo hadda ku sugan magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia, ayaa kulamo la yeeshay madaxda waddamada Uganda, Ethiopia iyo midowga Africa.

Wuxuu kala hadlayaa shirka UK ay ku qabaneyso 7-da bisha May ee sannadkan, kaasoo looga hadlaayo arrimaha Soomaaliya.

Shirka ayaa diiradda lagu saari doono afar arrimood oo kala ah ammaanka, caddaaladda, maaraynta dhaqaalaha dadweynaha iyo xasilinta siyaasadda.

Wasiirka ayaa Simmonds ayaa ammaanay doorka dowladda Uganda ay ka qaadaneyso dib u soo celinta ammaanka iyo kala dambeynta Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in doorka Uganda ay ku leedahay Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM).

Dowladda Uganda waxaa Soomaaliya ka jooga ciidamo badan oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM, waana dalkii ugu horreeyay oo ciidamo ku biiriya howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Ciidamo British ah oo dhowaan howlo tababar bixin u aadi doona Soomaaliya ayaa haatan ku sugan dalka Uganda.

Shirka London ayaa waxaa si wadajir ah u qaban doona madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisal wasaaraha dalka UK David Camiron

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here