Wasiir horay xil uga soo qabtay Doowladii KMG oo qarax lagu dilay

Qarax lala eegtay Nicholas Kay
Qarax lala eegtay Nicholas Kay

Abaarihii 01:00 duhurnimo ee maanta, Gaari lagu soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa waxa uu ku qarxay agagaarka Isgoyska KM 4 ee magaalladda Muqdisho.

Ugu yaraan Hal qof ayaa ku geeriyooday qaraxa gaarigaasi oo ka dhacay meel aan ka fogeyn Isbitaalka Xannaano oo Kaabiga ku haya Shineemo Ex-Ekwatoore.

Marxuumka geeriyooday oo lagu magacaabi jirey Muxiyadiin Maxamed Xaaji Ibraahim waxa uu ahaa  Wasiir-ku-xigeenkii Gaashaandhigga ee Xukuumaddii KMG ee Dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa Marxuum C/llaahi Yuusuf Axmed.

Marxuumka geeriyooday ahaa ayaa la sheegay in miino loo soo rakibay gaarigiisa Khaaska, waxaana qaraxaasi ku dhaawacmay Nin kale oo la saarnaa Gaariga.

Ma jirto koox sheegatay qaraxaasi uu ku geeriyooday Marxuumkaasi oo mar Wasiir-ku-xigeen ahaa, marna ka mid ahaa Xildhibaanaddii Barlamaanka Somalia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here