Wasiir Beyle oo dib ugu laabtay Muqdisho (SAWIRO)

Wafdi uu hogaaminayey Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa waxay maanta dib ugu laabteen Magaalada Muqdisho.

Wasiir Beyle ayaa waxa uu ka yimid dalka Sacuudiga isagoo halkaasi kaga qeyb galay shirka Wadamada Xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka.

k

Kadib Soo dhaweyn Wasiirka iyo Xubnaha la socday loogu sameeyey Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayuu Saxaafada la hadlay isagoona kaga warbixiyey waxyaabihii kasoo baxay shirkii ay ka qeyb galeen.

o

Wasiirka waxa uu sheegay in Shirkaasi uu ahaa mid looga hadlayey sidii wax loogu qaban lahaa Soomaaliya iyadoona lacago loogu yaboohay Soomaaliya Shirkaasi inta uu socday.

C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in Ururka Iskaashiga Islaamka usheegeen in dhawaan Xafiis ay ka furan doonaan Magaalada Muqdisho waxaana Ururkaasi uu ka mid yahay Ururada sida weyn utaageera Dawlada iyo Shacabka Soomaaliyeed.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here