Washington: “Waan ka taqalusnay Sadex meelood madaxda Al-qaacida”.

Daniel Benjamin, oo ah madaxa xafiiska ladagaalanka Argagixisada wasaarada arimaha dibadda Mareeykanka u qaabilsan, ayaa waxa uu sheegay in ay dileen 20 kamid ah madaxda Al-qaacida kuwaasoo ku kala noolaa wadamada Afganistan iyo Pakistan, tan iyo markii uu madaxweyne Obama lawareegay talada wadanka Mareeykanka.

Benjamin, ayaa hadalkiisa kusii daray in madaxweyne Brack Obama lawareegay talada Mareeykanka bishii January labadeeda 2009, in Al-qacida ay ahayd mid xoogan dhanwalbana kadhisnaa waxaana hogaaminayay hogaamiyihii ladilay Usma Bin Laden, laakiin qatartii ururka ay hoos udhacday sanadkaan bilawgiisa 2012.

“Sadexdii sano ee lasoo dhaafay waxaan ka taqalusnay 20 kamid ah 30 hogaamiye ee Al-qaacida, haykalka dhismeed ee Al-qacidana waa mid bur bur kusii socda” ayuu yiri Benjamin.

Sidoo kale mar uu soo hadalqaaday, Al-qaacidada Jaziratul Cara bee Yeman ka dagaalanta, iyo Al-shabaabka Soomaaliya, waxa uu xusay ineey yihiin labada soo hartay uguna qatarta badan, kuwaasoo gaysan kara dhibaatooyin farabadan, laakiin waxa uu sheegay in sanadihii lasoo dhaafay ay iyagana jab kala kulamayeen Ciidamada doowlada iyo kuwa nabad ilaalinta AMISOM.

Xoghayaha difaaca Mareeykanka leon Paneta, ayaa ayaa bishii hore sheegay in ay Al-qaacida ay jabtay laakiin ay qorsheeyneyso weeraro ay u gaysato Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Afgaanistaan.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here