Washington Post oo warbixin yasmo ah ka qortay orodyahanada Soomaaliya

RIOEC8D15EPMN_768x432-620x349Inkastoo orodyahanada Soomaaliya Maryan Nuux Muuse ay kaalinta ugu danbeysa ka soo gashay tartankii orodka 400 mitir ee hablaha Olimbikada Dunida hadana waxa ay dhiirogelin ka heshay Soomaali iyo dadyow kale oo badan.

Jariirada caanka ah ee ka soo baxda dalka Mareykanka ee Washington Post ayaa warbixin ay ka qortay orodyahanada Soomaliya waxa ay cinwaan ugaga dhigeen: “Orodyahanad Olimbikada ah oo ku dhameysatay in ka hooseysa inta ay ku dhameystaan gabdhaha dugsiyada sarre balse waxa ay weli tahay dhiirogeliso.”

Warbixinta Washington Post ayaa sidoo kale lagu yiri: “Orodyanada caalamiga ah ma ahan inay amaan ku helaan kaliya dadaalkooda. Laakiin orodyahanada Somalia Maryan Nuh Muuse waa in texgelin gaar ah la siiyo.”
“Subaxninadii sabtida, ma aysan la tartami karin sideedii hablood kale ee “heat”keeda wareega 1aad ee tartanka 400 mitir ee hablaha. Si aad ah ayay uga danbeysay asaageeda, xitaa kuma aysan jirin shaashada tabinta NBC. Waqtigii ay ku dhameysatay – 1:10:14 ilbiriqsi – xitaa kuma aysan soo baxdeen tartanka orodka gabdhaha dugsiyada sarre ee Maryland ee dalka Mareykanka.

“Waxa ay ku dhameysatay kaalinta 57aad ee 57 gabdhood oo wareegii 1aad ee tartanka 400 mitir ka qeyb galay, sidaasi oo ay tahay waxaa weli loogu yeeraa inay tahay ‘dhiirogeliso’. Sababtoo ah waa ay tahay.”

Washington Post ayaa soo qaadatay in Maryan aysan helin tababar ku filan islamarkaana ay si geesinimo leh u matashay dalkeeda inkastoo ay dhibtooyin ka jiraan Soomaaliya. Waxa ay kaloo soo qateen in xitaa garoonkii ay tababarka ku qaadatay inuusan laheyn agabka tababar ee loo baahan yahay, taas bedelkeedana in ciyaartoyda Mareykanka ay helaan tababar dhameystiran maalmaha ugu horeeya ee dugsiyadooda.

Maryan Muuse ayaana amaan badan iyo mahadcelin ka heshay dadka Soomaliyeed iy weliba dadyow kale, iyagoo ku amaanay sida ay dhiirgelin ugu sameysay dad badan oo sideeda oo kale ah oo ka soo baxay xaalad adag islamarkaana soo istaagay masraxa ugu weyn ee Olimbikada Adduunka.

Daahir Kulani ayaa u hambalyeeyay Maryan Nuh Muuse isagoo ku tilmaamay inay weli tahay horyaalkeena.

 

Su’ad Raage ayaa ku soo qortay Twitter: “Maryan Nuh Muuse, waxaa tahay dhiirogeliso, hana ogolaanin inay cid kale ku sheegtay wax intaas ka duwan.” waxa ay soo qaadatay hal ku dheg ka tarjumaya in gabdhaha Soomaliyeed ay wax sameyn karaan.

 


Yusuf Ali Adan ayaa isna u mahadceliyay Maryan Nuux Muuse madaama ay matashay qaranka Soomaaliya.


Ashley Robertson ayaa iyadana soo qortay: “Maryan Nug Muse, ku faan inaad awood u yeelatay inay masraxa adduunka ku matasho wadankaaga. Magacaaga waxa uu abid ku jiri doonaa buuga taariikhda.”

Xigasho: Laacib

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here