Washington oo soo dhoweeysay ansixinta dastuurka cusub ee Soomaaliya

Hillary Clinton oo socdaallo ku mareysa bariga Africa ayaa war saxaafadeed ay soo saartay ku soo dhaweysay talaabadii ay ergada ku ansixiyeen dastuurka qabyo qoraalka Soomaaliya.

Kilinton ayaa horumar ku tilmaamtay ansixinta dastuurka Somalia iyadoo warsaxaafadeedkeeda ku sheegtay in dowladda mareykanka ay aad ugu heelantahay wax u qabashada umadda soomaaliyeed

Haweeneyadan ugu sareysa wazaaradda arimaha dibadda dalka mareykanka ayaa dhinacyadasomalida ugu baaqday inay ka hishiiyaan wixii soo dhexmaray 21kii sano uu dalka bur burka ku jiray , waxana ay sidoo kale siyaasiyiinta soomaalida ay ka dalbatay inaan laga gudbin jadwalka la dehiyay loona baahanyahay in si dhaqsi ah lagu soo doorto barlamaan cusub iyo madaxweyne cusub .

Dhinaca kale mas’uuliyiinta dowladda KMG Somalia ayaa maanta lagu wadaa in magaalada Nairobi ay kula kulmaan hellary kilinton oo socdaal maanta ku tageysa dalka Kenya .

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here