Washington: Obama oo xaqiijiyay geerida Mullah Akhtar Mansour

obama-confirms-mullah-akhtars-death-no-apology-for-a-attack-on-hiroshima-f1b229425666235fe895071fd236fef1Madaxweynaha Mareykanka Baram Obama ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay iney duqeyn ku dileen hogaamiyihii kooxda Daaliban Mullah Akhtar Mansuur sida uu baahiyay Telefishinka France24.

Obama ayaa sheegay in geerida Mullah Akhtar Mansuur ay nabad ku soo dabaaleyso wadanka Afganistan oo ay dagaal culus ka wado kooxda Daaliban.

Madaxweyne Obama oo booqasho seddex cisho ku jooga Vietnam ayaa sheegay in Mansuur uu diiday dadaalada wada hadalada iyo in la soo idleeyo rabshadaha dalka Afganistan.

Waxa uu ugu yeeray kuwa ku soo haray hogaanka kooxda Daaliban iney qaatan wada hadalada nabada sida colaada loo dhameeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here