Washington: Dhagayso Danjire Cawad oo xaqiijiyay Soomaali laga soo masaafurinayo Mareeykanka

danjire CawadAxmed Ciise Cawad, oo ah Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Magaalada Washington ee Dalka Mareykanka,  ayaa Wareysi dhinacyo badan oo uu siiyay Radio Sagal, waxa uu uga hadlay Xaaladda Dhallinyaro Soomaaliyeed oo la sheegay inay ku xiran yihiin xabsiyo ku yaalla Mareykanka, ayna Xukuumadda Mareykanku damacsan tahay inay dib ugu celiso Waddankooda Soomaaliya.

Dhalinyaradaas oo qaab tahriib ah ku galay Mareykanka, ayuu Danjiruhu u Sheegay Radio Sagal in Warkooda uu ka maqlay meelaha, laakiinse markii dambe uu la xiriiray Dowladda Mareykanka oo u xaqiijisay arrintaas.

Halkan ka dhagayso wareysiga:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here