Wasaaradda waxbarashadda, Hidaha Tacliinta sare iyo Ururka SYL II oo ka qeyb qaatay socodkii lagu xusayay maalinta haweenka aduunka

Uruka SYLII oo ay is kaashanayaan wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ayaa maanta si wada jir ah ugu qeyb qaatay xuska Maalinta Haweenka Aduunka 8-da Maarso.

Munaasabadan oo aheyd mid aad u heer sareysay ayaa waxaa socod laga soo bilaabay Isgoyska Dabka ee Wadada Maka Al-Mukarama ilaa Taalada xaawo taako halkaas oo uu madaxweynuhu ubaxa dhigay.

Ururka SYLII  ayaa waxa uu goobta ubax dhiggu ka dhacayey ku diyaariyey kooxdiisa fanka iyo dhaqanka iyo dhammaan wax kasta oo tashiilaad ah,waxaadna gees kasta oo aad eegto ka arki kartey astaanta uu ururka SYLII caanka ku yahay laga soo bilaabo qalabka ilaa goobta uu madaxweynuhu istaagayey .

Munaasabaddaan oo ay ka soo qey galeen bulshaweynta soomaaliyeed oo ka kala yimid degmooyinka  uu ka koobanyahay gobolka banaadir ayaa waxaa socodka horkacayey kooxda baanbeyda, ciidamada qalabka sida oodhammaantood dumar ahaa xuska maalinta haweenka awgeed.

Socodkaan lagu maamuusayey maalinta haweenka adduunka ayaa goobta uu ku dhammaaday waxa ay aheyd taaladii hooyaddii halganka gobannimo doonka xaawo taako, halkaas oo kooxda fanka iyo dhaqanka ee ururka SYLII ku soo bandhigeen heeso iyo ciyaaro- dhaqameedyo dadka qaarkii ay la ooyeen.

Nuur Abuukar Nuur oo ay u jiibinayaan kooxda fanka iyo dhaqanka ee ururka SYLII ayaa waxa uu halkaas ka qaaday hees ruxday qalbiyada bulshadii munaasabadaas isugu timid soona xusuusisay waayihii wacnaa ee muqdisho.waxaan heestaa erayadeedii ka mid ahaa ‘xudunteydiyaa  ku xabaalan, xamar waan jeclahay’

‘Calankayagiiyow  Cawaale waad na  caawisee’ waxey ka mid aheyd erayo ku jiray ciyaar dhaqameed ay sidoo kale halkaas ku soo bandhigeen kooxda dhaqanka iyo fanka ee uruka SYLII waxaana codka dhalinyarada ka dhex muuqday  abwaan M.C. Jacaf oo isagu ka mid ah.

Ma ahan markii ugu horeysay ee ururka SYLII uu soo qabanqaabiyo munaasabad noocaan oo kale ah balse maanta jawigu waxa uu ahaa mid ka duwan kuwii hore taas oo bulsho weyntii soomaaliyeed ee ka soo qeyb gashay ku dhalisay qiiro wadaninimo  dhalinyaradii SYLII ku dhiiri galisey in ay matalaan qarankii soomaaliyeed.