Wasaaradda Warfaafinta Oo dhameystireysa Sharciga Saxaafadda “Sawirro”

Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa la kulmay gudigga Warfaafinta ee baarlamaanka Soomaaliya, kaasi oo looga hadlay dhameystirka sharciga saxaafadda dalka.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Wasaarada warfaafinta oo ay wada yeesheen mas’uuliyiinta Wasaarada iyo gudigga warfaafinta u qaabilsan baarlamaanka Soomaaliya  ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Mudane Cabdirisaaq Cali Yuusuf Bahlaahi, Agaasimeyaasha Waaxyaha ee Wasaaradda Warfaafinta, iyadoo intii uu socday lagu lafaguray qodobo ay kamid ahayd  horumarinta Warbaahinta iyo in la soo dadajiyo sharciga saxaafadda oo ay gacanta ku hayso Wasaaradda, kaasi oo haatan meel wanaagsan maraya.

Kulanka ayaa markii uu soo idlaaday kaddib waxaa saxaafadda la hadlay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble iyo ku-xigeenka guddoomiyaha gudigga Warfaafinta ee baarlamaanka Mudane Maxamed Keeroow Maxamed.

Wasiir ku-xigeenka Wasaradda Warfaafinta Soomaaliye Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble ayaa sheegay in ay  sida ugu dhaqsiyaha badan  ay baarlamaanka  u horgeyn  doonaan  sharciga saxaafadda oo uu tilmaamay in haatan uu meel fiican marayo, islamarkaana ay u xilsaareen guddi quburo ah oo wax ka badalaya sharcigan, si uu u noqda mid ay u dhanyihiin Warbaahinta.

“kulankan waa kii ugu horeeyay ee aan gudigga si rasmi ah ula qaadano, horey waxaan si gooni gooni ah ula shirnay guddoomiyaha gudigga Warfaafinta, hayeeshee maanta wax badan ayaan isla meel dhignay oo ay ugu horeyso sidii aan u soo dadajin lahayn sharciga saxaafadda Soomaaliyeed” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta.

Maxamed Keeroow Maxamed guddoomiye ku-xigeenka gudigga Warfaafinta ee Baarlamaanka Soomaliya ayaa sheegay in shirkii maanta uu ku soo dhamaaday si wanaagsan, isagoo xusay in ay is dhaafsadeen macluumaad kala duwan.

“Runtii Wasiirka iyo mas’uuliyiinta kale waxa ay nooga warbixiyeen xaaladda dhabta ah ee ka jirta Wasaaradda iyo sida ay u shaqeeyaan, waxaana rajeynaynaa in shirarka nuucaani oo kale ah uu sii socon doono” ayuu yiri Maxamed Keeroow.

DSC08858 DSC08859 DSC08860 DSC08864 DSC08865

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here