Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo u qabatay muddo bil ah in lagu soo afjaro khilaafka baarlamaanka.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka C/samad Macalin Maxamuud ayaa shir jaraa’id oo uu kaga hadlayo arrimaha murugsan ee ka dhex jira golaha baarlamaanka ku qabtay magaalada Garowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka waxa uu ugu baaqay  mudanayaasha baarlamanka in ay  dhowraan sharciga, in ay yeeshaan kulamo lagu xalinayo qilaafaadka ka dhaxjira baarlamanka iyo in  la joojiyo kulamada ay yeelanayaan  mudo 4 isbuuc ah.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in dowladda fedaralka KMG ah iyo cidkasta oo kaalmo ka geysantarta xalinta qilaafka u dhaxeeya baarlamanka ay weydiisanayaan sidii looga caawinlaha soo afjaridka qilaafka baarlamanka.

Mudane C/samad Macalin Maxamuud wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka ayaa ugu baaqay baarlamanka  hadii laga fursan waayo in ay yeeshaan kulamo ay wasaarada la soo xiriiraan ka hor mudo 72 saac ah, waxa uuna ciidamada ka cosaday in ay sugaan amaanka xildhibaanada.

Wasiirka waxa uu ku amray ciidamada Booliska in ay ciidamada booliska inay sugaan  xarunta baarlamaanka inta laga soo afjarayo khilaafaadka ka dhex jira baarlamaanka.

Warkan ka soo yeeray wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa labo maalmood ka hor xilli ay xubnaha baarlamaanka ee ku dhowaaqay inay xilka ka qaadeen guddoomiyaha baarlamaanka in ay yeesheen kulan ay ku doonayaan in ay ugaga doodaan sidii guddoomiye cusub  uu baarlamaanku ku yeelan lahaa.