Wasaarada Warfaafinta: Wajiga runta ahaa ee Al Shabaab oo soo baxay

Qoraal saxaafadeed laga soo saaray wasaarada warfaafinta Soomaaliya ayaa ka hadashay isku biiridi Al Shabaab iyo Al Qacida.

Waxay shaaca ka qaadeen labada urur ee Alshabab iyo Al-Qaacida oo argagixisada ah, iney isku biireen oo ay noqdeen hal urur.
Wasiirka Warfaafinta, Boostada & Isgaarsiinta Mudane C/qaadir Xuseen Maxamed(Jaahweyn) oo Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed(SONNA) u waramayay maanta ayaa yiri “Midowga Alshabab iyo Al-Qaacida ma ahan war nagu cusub, waanan ogeyn in Alshabab iyo Al-Qaacida ay yihiin urur qura, Hogaamiyaasha Alshababna ay wakiil ka yihiin, matalaana Ururka Al-Qaacida, Ururka Al-Qaacidana uu yahay urur Ajnabi ah oo argagixiso ah, kuna kaca falal ka ka soo horjeeda diinta Islaamka sida dilka Shacabka Soomaaliyeed ee wax ay galabsadeen aysan jirin”

Wasiirka Warfaafinta ayaa intaa ku daray “Waxaanu leenahay Dr Ayman Aldawaahiri  oraahdaadii arinkaan aad ka tiri ee ahayd “Bishaaro fiican ayey noo tahay ” inagana sidoo kale bishaaro fiican ayey noo tahay, Xukuumadda Soomaaliyana waxay ku faraxsantahay inuu gebi ahaanba dhamaaday waqtigii uu Ururka Alshabab ee argagixisada ah uu isku qarinayay inuu yahay Urur islaami ah oo Soomaaliyeed”

Wasiirka ayaa hadalkiisa ku soo gunaanaday “Dhamaan Beesha Caalamka waxaa iminka u cadaatay xaqiiqadii aan ogeyn mudo dheer, waxanan ugu baaqaynaa dhamaan dalalka dduunka in nagu garab istaagaan Dagaalka aan kula jirno Soomaaliya ururka Al-Qaacida.

Dhamaad