Wasaarada Warfaafinta Dowlada Soomaaliya Oo Kahadashay Qaraxii Ismiidaaminta Ahaa

Qaraxii Xooganaa oo ay kugeeriyoodeen dadrayid ah iyo Wariyaal kaas oo kadhacay galinkii danbe ee Shalay Dagmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir gaar ahaa Sarta Dheer ee Hooyooyinka Maqaaxi kaabiga ku heyso oo laga Shaaho ayaa waxaa qaraxaasi canbaareeyay Wasaarada Warfaafinta ee Dowlada Soomaaliya.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta C/qaadir Cali Yuusuf Bahlaawi oo lahadlay warbaahinta Muqdisho ayaa waxa uu canbaareeyay Weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday Maqaaxidiim ku dhaweed Guriga Hooyooyinka ee Magaalada Muqdisho halkaas oo ay ku dhinteen dadbadan oo isugi jira Wariyaal iyo shacab.

Waxa uu sheegay Agaasimaha Wasaarada Warfaafinta in marka uu maqlay falkaasi Ismiidaaminta ahaa uu aad uga naxay islamarkaana uu canbaareenaayo waxaana uu intaa raaciyay hadalkiisa in laamaha amaanka ee Dowlada Soomaaliya uu ugu baaqayo in ay xilweyn iska saaraan Sugida amaanka Magaalada Muqdisho iyo goobaha ay inta badan isugu yimaadaan dadka rayidkaa sida uu sheegay.

Ugu danbeentii waxa uu tacsi tiiraanyaleh hawada u marsiiyay Guud ahaa dadkii halkaasi kugeeriyooday waxaana uu alle ugu baryay in naxariistiisa uu siiyo waxaana uu markale ugu baaqay Agaasimaha laamaha amaanka ee Dowlada Soomaaliaya in ay xilweyn iska saaraan Sugida amaanka Muqdisho.

Inkastoo uusan Al-Shabaab sitoos ah u sheeganin Qaraxaan Ismiidaaminta ahaa oo ay dad badan kugeeriyoodeen ayaa waxa uu kamid noqonayaan Qaraxyada waa weyne ee Ismiidaminta ah ee kadhacay Magaalada Muqdisho kuwaas oo ay sheegataan Al-Shabaab.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here