Wasaarada Maaliyada Xukuumada Soomaaliya oo Amaro Culus ka soo Saartay Qaadida Canshuuraadka

Wasiirka Maaliyada dowlada Soomaaliya Maxamuud Xasan Suleymaan oo lahadlayay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in soo sarayaan amaro ku wajahan qaadida lacagaha canshuuraadka ee Dekada Muqdisho iyo goobaha kale ee lacagaha canshuuraadka kala duwan laga qaado.

Maxamuud Xasan Suleymaan Wasiirka Maaliyada dowlada Soomaaliya ayaa ugu digay dadka isku howlay in ay qadaan lacagta sharicidarada ah ee canshuuraadka u qaadaan,waxa uuna sheegay Wasiirka in dadka faraha kula jira arintaasi ay joojiyaan.

Waxa uuna wasiiraka Maaliyada dowlada Soomaaliya Maxamuud Xasan Suleymaan uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in arimaha qaadida canshuuraadka Dekada la qaadi karin lacag aysan ogeyn.

Sidoo kale wasiirka maaliyada Maxamuud Xasan Suleymaan ayaa sheegay in talaabo adag laga qaadi doono dadkii ka hor yimaada amarkaan kasoo baxay wasaarada maaliyada.

amarada cusub ee ku wajahan qaadida canshuurada ee ka soo baxay xafiiska wasaarada maaliyada ayaa imaanaya iyadoo Dekada Muqdisho ay ka socoto qaadida canshuuraad aan waxba ka ogeyn Maamulka arintaasi quseysa.

Dekada Magaalada Muqdisho ayaa waxaa gaadiidka looga qaadaa lacago lagu sheego canshuuro ah oo aad ubadan taasi oo gaadiika qaarkood aysan awood ulaheyn inay iska bixiyaan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here