Wasaarada Gaashaandhiga oo Shacabka Soomaaliyeed ku Qancisay in Dhibaatada Haaysato Laga Dulqaadi Doono

Wasiirka gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya ayaa kaga digay ciidamada dowlada Soomaaliya in ay dadka ku dhibaateeyaan dareeska ciidamada dowlada Soomaaliya,oio mudooyinkaani danbe ay soo bateen raga iyagu xiran labiska dowlada Soomaaliya hadana dadka dhaca u geysanaya.

C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi.wasiirka gaashaandhiga dowlada ayaa sheegay indhagahiisa ay ka bad bateen maqlida dhibaatada lagu haya dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka Soomaaliya,ayaa waxa uu carabka ku dhiftay in la bilaabi doono howlgal ka dhan ah raga ku lebisan dareeska dowlada oo shacabka u geysanaya dhibaatooyinka kala duwan ee isugu jira dilka dhaca iyo kufsiga oo haweenka inta badab ay kula kacaan.

Wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada ku labisan dareeska ciidamada dowlada Soomaaliya ee ku dhibaateynaya dadka rayid ah aan loo dulqaadan doonin islamarkaana lala xisaabtami doono.

Wasiirka ayaa sheegay in lala xisaabtami doono ruux walbaa oo wataa dareeska ciidanka islamarkaana aan ka diiwaan gashanayeen ciidamada dowlada Soomaaliya.

Sikastaba aha ahaatee hadalka ka soo baxay wasiirka gaashaandhiga xukuumada C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi.ayaa imaanaya iyadoo sii kordhayaan raga ku lebisan dareeska dowlada Soomaaliya oo dhibaatada ku haya shacabka soomaaliyeed ee iyagu ka daalay dagaalada iyo abaaraha dalka ka jiray.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here