Wasaarada Dastuurka oo shaacisay in la badalay qodobo ka mid ah Dastuurka Qabyo-qoraalka

Wasaarada Dastuurka Dowlada KMG Soomaaliya ayaa sheegtay in wax laga badalay qaar ka mid ah qodobada Dastuurka lagu wado in la ansixiyo bisha soo aadan ee loo diyaariyey Soomaaliya.

Wasiiru dowlaha Wasaarada Dastuurka,  Xasan Maxamed Jimcaale (Xasan Dheere) oo la hadlay idaacada ku hadasho codka dowlada ee Radio Muqdisho, in qodobada laga badalay ay ugu muhiimsanyihiin qodobo ku tacaluqa dadka isu soo taaga xilka madaxweynaha.

Waxaa ka mid ah inuusan heysan baasaboor dal ajnabi ah, hadii uu heystana looga baahanyahay inuu ka laabto sharcigaasi mudo lix bilood ka hor inta aysan dhicin doorashada madaxweynaha.

“Qofka madaxweynaha noqonayo waa inuu yahay qof Soomaali ah ab ka ab, inuu yahay qof aqlaaq wanaagsan leh, inuu yahay nin sumcad leh, inuusan qabin haweeneey ajnabi ah ama aysan dhalin hooyo ajnabi ah,” ayuu yiri.

Dastuurkan ayaa qodobo ka mid ahi waxa ay ka kiciyeen buuq iyo shaki mujtamaca dhexdiisa ah gudaha magaalada Muqdisho, iyadoo qaar badan oo ka mid ah aqoonyahanada, culimad,udiinka iyo siyaasiyiinta ay ku tilmaameen wax aanan la qaadan karin.

Qodobada kale ee ay farta lagu godayo waxaa ka mid ah, in qofka madaxweynaha noqonaya aanan lagu cadeyn diintiisa, oo tusaale ahaan waxaa ku qoran ‘waa in uu muwaadin Soomaaliyeed yahay, iyo qodobo kale.

Shirweyne lagu ansixinayo dastuurka ayaa lagu wadaa in uu ka dhaco Muqdisho bartamaha bisha May ee soo aadan, waxaana ka qeybgali doona ilaa iyo 850 oday dhaqameed.

1 COMMENT

  1. Soomaali micnaha ma ahan erey turjumaya inuu muslim , soomali masiixi ayaa jira , waa in la caddeeyaa Diintiisa qof madax u noqonaayo madaxweyne sidookale xildhibaanada waa in ay soomaali islaam ah uu noqdo

Comments are closed.