Wasaarada Dastuurka oo ku dhawaaqday xilliga la ansixinayo Dastuurka cusub

Iyadoo maanta maanta uu shirka ansixinta Dastuurka galayo maalintii todobaad islamarkaana xubnaha ansixinta Dastuurka ay ka doodayaan qaar kamid ah qodobada Dastuurka ayaa wasaarada Dastuurka iyo dib uheshisiinta Xukuumadda KMG Soomaaliya waxa ay shaaca ka qaaday maalinta la ansixinayo Dastuurka dalka.

Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Xukuumadda KMG Soomaaliya C/Raxmaan Xoosh Jabriil oo wareeysi siinayay mid kamid ah idaacadaha Muqdisho ayaa sheegay in howlaha Dastuurka ay si wanaagsan ku socdaan islamarkaana xubnaha ay isku qeybiyeen gudi gudi islamarkaana ay ka shaqeynayaan.

Wuxuu sheegay inuu rajeynayo in maalinta Arbacada ah la ansixiyo Dastuurka islamarkaana maalinta khamiista la sameeyo xaflada soo gaba gabeynta Dastuurka cusub.

C/Raxmaan Xoosh Jabriil Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in hada uusan jirin waxmuran ka taagan Dastuurka islamarkaana wax waliba ay yihiin sidii loogu talo galay.

Wasiirka ayaa sheegay in tirada xubnaha baarlamaanka in lagu saleeyo qaabka Imbagaati inay dalbadeen odayaasha dhaqanka islamarkaana ay ka aqbaleen dalaabkooda oo ay ka dhigeen sidaasi.

Maalinta beri ah ayaa sida masuuliyiinta dowladda Soomaaliya sheegeen waxaa lagu wadaa in la ansixiyo Dastuurka cusub ee dalka uu yeelanayo xilli ay jiraan dhaliilo badan oo loo jeedinayo dastuurkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here