Wasaarada arrimaha dibada Ethiopia oo ka hadashay qabshadi Baydhabo

Wasaarada arrimaha dibada dalka Itoobiya ayaa marki ugu horeysay ka hadashay duulaanki ay ciidamada Itoobiya todobaadki hore ku qabsadeen magaalada Baydhabo ee dalka Soomaaliya.

Afhayeenka wasaarada arrimaha dibada Dina Mufti oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaakada Adis Ababa ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ay la wareegeen Baydhabo Arbacadi lasoo dhaafay iyadoo aysan cidna ka hor imaan.

“Baidoa waxay kusoo dhacday gacanta ciidamada Dowlada Federaalka KMG Soomaaliya iyo milatariga Itoobiya, anaga waxaan ka bixi doonaa magaaladaas marka ay nabada iyo xasiloonida soo laabato, kadibna waxaan ku wareejin doonaa cida xaqa sharciga ah u leh,” ayuu yiri.

Magaalada Baydhabo oo ah magaalada sadexaad ee ugu weyn dalka Soomaaliya ayaa sadex sano kadib waxa hada maamulkeeda la wareegay dowlada KMG ah, Al Shabaab oo horay u joogay ayaa isaga baxay.

Mr. Dina oo la waydiiyey waqtiga ay ka bixi doonaan magaalada Baydhaba ayaa ku adkeystay in ay ka bixi doonaan sida ugu fudud uguna dhaqsaha badan balse waxa uu ku xiray in marka hore la helo nabad.

Ciidamada Ethiopia ayaa gudaha u galay dalka Soomaaliya bishi December, xiligaasi oo ay la wareegeen magaalada Beledweyne oo ay dagaal uga qabsadeen Al Shabaab.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.