Wasaarada arimaha gudaha oo ku dhawaaqday qorshe dag dag ah oo wax looga qabanayo amniga Muqdisho

Wasaarada arimaha gudaha iyo amniga qaranka ayaa maanta ku dhawaaqday qorshe deg deg ah oo ay sheegtay in ay wax uga qabanayo xaalada amaan darri ee caasimada.

Hadal uu maanta saxaafada siiyey wasiirki hore ee arimaha gudaha balse wali xilkaasi sii haya, C/samad Macalin Maxamuud ayaa sheegay in qorshahan uuba mar hore hirgalay, waxa kale oo uu sheegay in falalka amni daro ay wadaan kooxo raba in ay dadka cabsi geliyaan sida uu yiri.

“Qorshayaal ayaan sameynay oo balaaran oo amaanka wax looga qabanayo, ciidamada amniga kaligood wax ma qaban doonaan hadii aysan shacabka la shaqeyn, ciyaalkan yar yar dartood  waxbadan uma halaabi doonaan, arimaha dhacaya waxa sabab u ah niman raba in ay qal qal geliyaan nabada caasimada iyo umada Soomaaliyeed, waxay kaloo rabaan in ay cabsi galiyaan dadka banaanka ka imaanaya ee wadanka dib ugu soo laabanaya,” ayuu yiri.

Amaanka Muqdisho ayaa xumaaday iyadoo sadexdi maalin ee lasoo dhaafay lagu dilay dad ka badan 30 ruux oo uu ugu danbeyey xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here