Wasaarada arimaha gudaha oo beenisay in ay amartay ka bixisti Ceelbuur

Wasaarada arimaha gudaha iyo amniga qaranka Soomaaliya ayaa beenisay in ay amartay in ciidanka Itoobiya iyo Ahlu Sunna ay ka baxaan degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud.

Wasiiru dowlaha arrimaha gudaha Soomaaliya Dr. Cabdi Cali Xasan oo saakay la hadlay wariyaasha ayaa sheegay in ay warbaahinta si qaldan u fasireen war uu dhawaan sheegay.

Waxa uu qiray in Ahlu Sunna ay dowlada u aqoonsantahay in ciidankoodu ka mid yahay cidamada qalabka sida ee Soomaaliya isla markaana abaanduulaha ciidanka uu yahay nin Ahlu Sunna ah.

“Arintaan waxba kama jiraan oo waxay dhaheen wasiiru dowlaha arimaha gudaha ayaa yiri Ahlu Sunna haka baxaan Ceelbuur, ciidamada Ahlu Sunna waxayba ka mid yihiin ciidamada qalabka sida Golaha Wasiiradana way go,aamiyeen heshiisyo horayna way jireen,” ayuu yiri.

Ahlu Sunna ayaa aad uga carootay hadal dhawaan kasoo baxay wasiiru dowlaha oo ahaa in dowladu ay qorsheyneyso in ay geyso Ceelbuur ciidamo milatari ah iyo kuwa AMISOM.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.