Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka oo Ugu Bishaareysay Ciidamada Dawlada Waxyaabo Muhiim ah

Wasiirka cusub ee Wasaarada arimaha gudaha iyo Amniga qaranka dawlada Somaliya C/kriim Xuseen Guuleed ayaa ugu bishaareeyey taliska Ciidamada Qalabka sida inay heli doonaan fursado ciidamada somaliyeed tayo iyo qalabeyn intuba loogu sameyn doono.

C/Kiriim Xuseen Guuleed ayaa sheegay in wada shaqeynta uu la leeyahay ciidamada qalabka sida hogaankooda islamarkaana ku dadaali doono sidii ciidamada Somaliyeed amaanka uxaqiijin lahaayeen.

“Waxaan ugu bishaareynayaa taliyeyaasha iyo mas’uuliyiinta ciidamada inan saaxiib ka dhigto,inan walaal ka dhigto,waajibaadka 1aad aan qaban doono waxaa ka mid ah qalabeynta iyo shuruuc inay usameeyaan ciidamada ayuu yiri wasiirka”.

C/kriim Xuseen Guuleed ayaa ka codsaday taliyeyaasha ciidamada qalabka sida inay xoojiyaan wada shaqeynta ay la leeyihiin Wasaarada Arimaha gudaha iyo Amniga Qaranka si amaanka loo adkeeyo.

Wasiirka oo sii hadlayey ayaa sheegay in dib udhis dhinaca Ciidamada iyo agabka ay ubaahan yihiin lasameyn doono isagoo ku dheeraaday wasaaradiisa wax uqabashada iyo qorshaha ay ugu talo galeen ciidamada uu badan yahay.

Ciidamada Dawlada ayaa iyagu waxa lagu arkaa wadooyinka muqdisho iyagoo dhar shibil ah wata qaarkoodna lacago baad ah ka qaadaya gaadiidka Bl-ka ah,in ka mid ah askarta dawalda waxay yihiin kuwo shacabka farteysi iyo baarashaba ugeysta.

Hadaba dad hore ciidamo usoo ahaa Somaliyana kusugnaa ayaa hadalka Wasiirka cusub ee Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Amniga qaranka in kalsooni laga muujin karo lagana yaabo ballan qaadka uu sameyey wasiirku inuu kasoo bixi karo.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here