Wasaarada Arimaha Dibadda Mareeykanka oo Abaal marin Gudoonsiisay Haweeneey Soomaaliyeed

Fartuun Cabdi Salaan Aadan, ayaa kamid ahayd 9 gabdhood oo ay wasaarada arimaha dibadda Mareeykanka shalay gudaha wadankaas ku gudoonsiisay abaal marin, Fartuun waa madaxa hay’ada “Elman” oo ah hay’ad ka shaqaysa arimaha samafalka iyo bulshada.

Fartuun, ayaa mar ay warbahinta ka wareeysatay sida ay u aragto abaalmarinta la gudoonsiiyay ayaa sheegtay ineeysan marnaba fileynin, waxayna sheegtay ineey aad ugu faraxsantahay.

Hay’ada Elman, ayaa ah hay’ad ka shaqaysa arimaha samafalka, waxayna shaqooyin u abuurtay dhalinyaro farabadan, kuwaasoo nolol xumo ku haysatay magaalada Muqdisho, waxay sidoo kale ha’ayada Elman qabataa Sports kala duwan kuwaasoo kor loogu qaado xirfada dhalinyarada jecel Ciyaaraha.

“Abaal marin horta aan shaqsi ahaan sugaayay maahan, shaqada aan Soomaaliya ka qabana dad badan ayaa qabta, laakiin waxaan isleeyahay wax aan qabanay in dad uun ogaadeen, dad dhibaatadan kus haqaynayo aan nahay, saas ayaan marka isku leeyahay waa laguugu abaal mariyay” ayay tiri Fartuun.

Madaxa hay’ada nabada iyo xuquuqul aadanaha ee “Elman”, oo faah faahin ka bixineysay waxyaabaha uu qabto ururkooda, ayaa sheegtay in ururkooda uu kamid  yahay ururada u dhaqdhaqaaqa xuquuqul aadanaha, gaar ahaan dhanka aweenka.

Walaalaha Soomaaliya (Sister Somalia):

Fartuun oo ah madaxa hay’ada Elman, waxay sheegtay in hay’adaan ay mudoo dheer soo shaqaynaysay islamarkaasna uu jiro barnaamij ay ugu magac dareen “Sister Somalia”, kaasoo wax ka qabto dhibaatada

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here