Wasaarada arimaha dibada oo sheegtay in dib loo hagaajin doono Safaaradaha{War-saxaafadeed}

War saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya caawa ayaa lagu sheegay in dib u habeyn lagu sameyn doono waaxyaha wasaaradu ka kooban tahay iyo safaaradaha Soomaaliya ee dibadaha ku yaalla kuwaasoo sanadihii dambe jahawaarer badani ka jiray.

War saxaafadeedka wasaaradda warfaafinta ay soo saartay ayaa ahaa kii ugu horeeyay oo ka soo baxa xafiiska wasiirka cusub ee arimaha dibada Soomaaliya Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ahna raysul wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya.

Mogadishu – Sabti 24 Nov 2012 – WAR-SAXAAFADEED

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa u qornaa sidan:-Kulan isbarasho ah oo ay maanta la yeelatay Ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Marwo Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan shaqaalaha kala duwan ee Wasaaradda iyo Safiirada Jamhuuriyadda Federaalka u matala qaar ka mid ah wadamada caalamka , goob joogna uu ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cabdidaahir Cabdiraxmaan Cabdi ayaa ku dhammaaday guul iyo jawi is afagarad leh.

Wasiirku waxa ay cadeysay in dib u qaabeyn ay ku sameyn doonto qaab dhismeedka maamul ee waaxyaha wasaaradda oo ka kooban 11 waaxood iyo sidoo kale safaaradaha dibadda , iyadoo isbadalka cusub ee Wasaaraddu ay hiigsan doonto uu barbar socon doono qorshe lagu horumarinayo howlaha shaqo ee Wasaaradda , laguna dar-dar gelinayo maqaamka dowladnimo ee Soomaaliya ee caalamka .

Wasiirka oo la tashiyo la sameyn doonta Agaasimaha Guud , Agaasime waaxeedyada Wasaaradda iyo Guddi Diblomaasiyiin Soomaali ah ayaa waxa ay u howlgali doontaa diyaarinta qaabka la iskugu dheeli tiri karo Waaxyada Wasaaradda iyo sidoo kale Safaaradaha , si ay u suuragasho dhismaha shabakad isku xiran oo wadashaqeyn joogta ah ay ka dhaxeyso oo gudaha iyo dibadda ah .

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ah Wasaaradda ugu xilsaaran dowladda Federaalka gudbinta iyo sharxidda siyaasadda dibadda , dhaqan dhaqaale iyo bulsho ee Soomaaliya ayaa waxa ay isku howleysaa soo celinta sharafka dowladnimo ee Soomaaliya , si loo helo aragti wanaagsan oo Soomaaliya ay la wadaagto caalamka intiisa kale.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here