Wasaarada Amniga oo Digniin Ujeedisay Ganacsatada Qaar Muqdisho

xafiiska-muqdisho-2

Wasaarada Amniga Qaranka Soomaaliyeed ayaa digniin waxay kasoo saartay in gaadiidka la dhigi karin waddooyinka la isticmaalo hareerahooda.

Afhayeenka Wasaarada Amniga Qaranka Maxamed Yuusuf Cusmaan oo Saxaafada la hadlay ayaa Digniin udiray Ganacsatada Mehradaha ku leh Hareeraha Wadada Maka Al Mukara Ee Muqdisho isagoo sheegay in hadii gaari uu ku hor qarxo goobtiisa isaga uu mas’uul ka yahay.

Hadii qofka ganacsadaha ah uu ka shakiyo baabuur uusan aqoon oo lagu Baakimay Goobtiisa shaqo waxa laga codsaday inay kusoo wargeliyaan ciidanka Amaanka laakiin iyagoo aan soo wargelin hadii uu qarax sameeyo ayuu Afhayeenku sheegay inay ganacsatada uu gaariga ku hor qarxay xiri doonaan.

Muqdisho ayaa waxay noqotay mid sanadihii dambe ay ka dhacayeen qaraxyo xoogan oo qaarkood loo adeegsaday Gaadiid ismiidaamiyey iyadoo sidoo kale ay jireen dad inta walxo qarxa isku soo xiray kadibna is haligay dad badana ay ku waxyeeloobeen.

Lamana oga digniinta Wasaarada Amniga Qaranka Somaliya ay soo saartay waxay ka badali doonto gaadiidka is qarxiya ee Muqdisho waayahan dambe kusoo laab laabanayey ee shacabka lagu gumaadayey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here