Warsheekh: Isbitaalka Hooyada & dhalaanka oo la dhagax dhigay

Isbitaalka Hooyada & Dhalaanka ee Warsheekh oo la dhagax dhigay
Isbitaalka Hooyada & Dhalaanka ee Warsheekh oo la dhagax dhigay

Munaasabadda Dhagax dhigga Cusbitaalka oo loogu tala galay Hooyada & Dhallaanka dagmada Warsheekh ayaa waxaa ka qaybgalay, Maamulka Degmada iyo xubno ka socday qaybaha Kala duwan ee Bulshada Ku nool Degmada Warsheekh.

Dhaqaalaha dhismaha Cusbitaalka oo ay iska iska kaashanayaan Qeybaha bulshada ee ka soo jeedda degmadaasi, ayaa waxaa si wadajir ah u dhagax dhigay, Gud.Degmada Warsheekh Axmed Xuseen Axmed iyo Sh.Qaasim Sh.Cabdi Ow Cumar, oo ah Shiikha Degmada Warsheekh.

IMG_20160627_124058

Sh Qaasim Qaasim Sh Cabdi, ayaa ugu horeeyntiiba hadalo duco, guubaabo iyo mahadnaq isagu jiray u jeediyay dadkii gacanta ka geeystay Biloowga Dhismaha Cusbitaalka.

“waxaan isagu nimid isbitaalka dhagax dhiggiisa waaye, haddii uu noo dhammaadana insha allaah xafladiisa furitaanka sidaan anagoo ka farxad badan inaan isagu nimaad ayaan ilaahay ka rajayheenaa, intii ku dadaashayna kheyr alahaa siyo, anagan wixii dadaal ah waa la isla wada qabahaa, Sidii maamul iyo degmo iyo shacab”

IMG_20160627_124112_1CS

Xaaji Xuseen oo kamid ah Waxgaradka ka soo jeeda Deegaanka Warsheekh, balse ku nool dalka Sweden oo gacan ka geystay dhismaha Cusbitaalka, ayaa sheegay in ay ka qeyqaadan doonaan dhammeystirka dhismaha Cusbitaalka.

IMG_20160627_124335_1CS

“Anagoo aad ugu faraxsan kasoo qayb galkeena aan kasoo qayb galnay dhismaha ee ka dhici doona insha alaah magaaladaan, qadiimka noo ah ayaan aad ugu faraxsanahay inaan kasoo qaybgalno anagoo mas’uulka ah reer Sweden meelkasto ay joogaan bidixdeeyda iyo midigtayda ay fadhiyaan, Marka waan ku faraxsanahay inaan kasoo qaybgalno, waxaana leenahay hambalyo, hambalyo maantana waan biloownay, waana dhignay, inshaa alaah hanala garab galo”. Ayuu yiri Xuseen Xaaji.

IMG_20160627_124241_1CS

Jawaahir Baarqab, oo ah guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobalka Banaadir oo kamid ah masuuliyiintii ka qeybgashay xafladda dhagax dhigga ayaa sheegtay in faa’ido weyn uu Cisbitaalku u leeyahay ka warqabka Xaaladda Caafimaad ee Hooyada iyo Dhallaanka Degmada.

“Wadada dheer ee aan soo marnay oo gabdhaha marka la qaado ay ku dhimanaayeen oo marna meel la geeyo, Jowhar ama Xamar ay ahayd meesha ugu dhow, Maanta waa alle mahaddii ay Hooyada Soomaaliyeed ee degmada Warsheekh ku nool ay heshay baahidii iyo Xuquuqdii ka maqneyd” ayay tiri Jawaahir.

IMG_20160627_161122

Gud.Degmada Warsheekh Axmed Xuseen Shiidka, oo soo gabagabeeyay Xafladda Dhagax dhigga Cusbitaalka, ayaa sheegay in uu maamulka gacan ka geeysan doono hubinta dhaqaalaha la soo aruuriyay si loogu dhammeeystiro Mashruuca dhismaha Cusbitaalka.

“Degmada Warsheekh maanta kadib waxa ay leedahay Cisbitaalkii Hooyada iyo Dhallaanka waxaan rajeneynaa in si dag dag ah ku soo dhamaado dhismaha Cisbitaalka maanta la dhagax dhigay, degmaduna arrintaan si gaar ah ayay ahmiyad ugu leedahay, dhaqaalaha lasoo uruuriyayna waxey ku bixi doonoon sidii loogu talagalay”. Ayuu yiri Mudane Shiidka.

IMG_20160627_151537_2CS

Magaalo Xeebeedka Warsheekh, waxa ay Qiyaastii 75Km dhinaca Waqooyi uga beegantahay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, Waana dhul Deexeed sidoo kalana dadkeedu dhaqaale ahaan ku tiirsanyahay Dhaqashada Xoolaha nool iyo Kalluumeysiga.

Xigasho: Sonna

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here