Warshada Balcad oo dib loo howlgelinayo

Dowlada KMG Soomaaliya ayaa qorsheyneyso in ay dib u dayactirto qaar ka mid ah warshadihi uu lahaa dalka.

Ra’isulwasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha C/wahaab Ugaas Khaliif ayaa sheegay in ay dib u howlgalinayaan warshadaha kuwa ka fakaday burburki oo ay ugu horeyso Warshadii Dharka ee degmada Balcad.

“Maadaama aan ahay wasiirka warshadaha ayaan waxaan isku dayey in aan tira koobno warshadaha dibna ula xiriirno cidi marki hore naga caawisay in aan la xiriirno, warshadhaa la kicin doono waxaa ka mid ah Warshada Balcad, waxaan rajeyneynaa in dowlada Turkiga ee aan walaalaha nahay oo naga balan qaaday arintaasi in ay naga caawin doonto,”

Warshadaha dalka ayaa hadii dib loo howlgaliyo sababi doono horumar xaga dhaqaalaha ah, iyadoo dhalinyaro badan oo hada baagamuunda ah ay heli doonaan shaqooyin.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

1 COMMENT

  1. wasiir shaqada war shadaha waa in laga shaqeeyaa maalin iyo habeen oo loo sameeyo shaqaale sideed sacadood ka shaqeya maalintii iyo kuwo habeenkii,todobadii sacadood oo Soomaaliya laga shqayn jiray sida dalka talyaaniga hala iska dhaafo sidaa dalka kua dhismayo.

Comments are closed.