Waxa magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somliland laga furay warshad sameesa buugaagta.
Xaflad lagu furaayay warshadda ayaa waxa ka qayngalay madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo xubno kale oo ka tirsan maamulkiisa.
Milkiilaha warshadda oo lagu magacaabo Xaaji Aadan Maxamed wuxuu sheegay inay ugu talagaleen inay uga faa’ideeyaan ardayda dugsiyada deegaannada maamulka Somaliland.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa ku dhiirrigeliyay ganacsatada kale inay sii laba jibbaaraan warshadaha wax soo saarka leh, kuwaas oo dhinacyo badan looga faa’ideysan karo.
Waa warshaddii ugu horreysay ee nooceeda ah oo Hargeysa laga furo.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com