Warsame Joodax oo Ka Hadlay Qaabka Sugida Ammaanka Muqdisho.

Warsame Maxamed Xasan Joodax Guddoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka ee maamulka gobbolka Banaadir oo shir jaraa’id u qabtay waxuu ka hadlay qaabka loo sugayo ammaanka Muqdisho.

Guddoomiye ku xigeenka Warsame Joodax ayaa tilmaamay in ammaanka Muqdisho uu maamulka gobbolka Banaadir kala shaqeynayo hey’adaha ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya.

Joodax ayaa hoosta ka xarriiqay in ammaanka goobaha ay doorashada ka dhici doonto loo xilsaaray ciidamo gaar ah oo ka socda hey’adaha ammaanka dowladda.

Warsame Maxamed Xasan Joodax ayaa waxa uu intaasi ku daray in maamulka gobbolka Banaadir uu ku hawlan yahay qorshihii loo sugi lahaa ammaanka degmooyinka gobbolka islamarkaana uu maamulka mar waliba hey’adaha gargaarka kala shaqeynayo sugida ammaanka.

Sikastaba Degmooyinka gobbolka Banaadir oo uu maamulo maamulka gobbolka Banaadir ayaa waxaa ka dhaca dilal qorsheysan oo loo geysanayo dadka rayidka iyo dhac baahsan oo geysanayaan rag ku lebisan dareeska ciidamadda dowladda.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here