Warqad furan kala horeynta baahida baniaadanka

maqaal141Waxaa sharaf weyn ii ah in aan madaxda soomaliyeed ee uu ugu horeyo madaxweyne , Mudane, Hassan Sh. Mohamud , Rasiisal wasaaraha, Mudane , Abdi weli sh, ahmed iyo Guddomiyaha Baarlamaanka Mudane Mohamed Sh cismaan ‘Jawahiri. Iyo mudanayaasha xubnaha labada Gole. Golaha wasiirada iyo Golaha Shacabka , Guddoomiyasha Gobolada , ganacasatada soomaliyeed iyo shacabka Soomaaliyeed , warqadan furan nugu soo jeedinayaa talooyinkan; Wallaalayaal, Nabadda laguma heli karo dagaal oo keliya , balse , nabadu waxay u baahan tahay in la helo wadiiqooyin sahal ah oo shacabka soomaliyed ay kaga samati bixi karaa baahida aasaasiga ah ee la xirrita nolosha bani’aadanimo.

(‘physiological needs’) ka hor inta aan xooga la saarin oo keliya doonista ‘ Safety’, iyadoo laga maarmaarmaan ay tahay in marka hore la akhriyo lana tixgeliyo aragtiga caanka ee ‘ Maslow’hierrarchy of needs’ – kala horeynta baahida ee Maslow.

Runtii ,mudo ka badan saddex sano ayaan baaristan igu qaadatay si aan u badbaadiyo dadkeyda, dalkeyga iyo duunyadiisa .Tirada Gobolada Soomaliyeed waa 18 Gobol. Shacabka soomaaliyeed ee daryeelka asaasiga u bahan ma deggana gobolka benaadir oo keliya, sidaan ognahayna. Dawladda gobol badan ayey gacan ku haysaa, waxayna u magacaawday guddoomiyaal iyadoo doonaysa dib u soo celinta hanankii dawladanimo balse wax qorsho u haynin.

Haddaba arrintu si kastaba ha ahaatee waxaan warqadan idinkugu soo gudbinyaa qorshahan cusub oo u baahan oo kelya qalikan in aad ku duuqtaan:

Madaxda soomaaliyeed iyo shacabkaba waxaan kula talinaynaa in gobol weliba looga yabooho wasaaradda iyadoo tixgelinayso kolba kheyraadka laga helo gobolakaas .Tusaale ahaan , wasaradda Ganacsiga , waxaa xaruun u noqon doonto Magasalada ‘Jowhar’, sidoo kale magaalada Beledwyne, waxay noqoneysaa, xaruunta Ganacsiga ee soomaliya, shacabka gobolka hiiraana waxay ka macaashi doonaan wasaaradooda Ganacsiga.
Wasaaradaha Beeraha waxay xukun wadaag la noqon shacabkaku nool Gobolka Bay.

Wasaaradda Xananada xoolaha waxay xukun wadaag la noqon Gobolka BAkool, wasaaradda dalxiiska waxaa loo nusay gobol Sanaag.Macnaha oo kooban 18 gobol oo mid weliba heli doono saamiga 1:1. Gobolada hadda aan gacanta dawladda ku jirin dib ayaa looga fiirsan doonaan.

Haseyeeshe kuwa gacanta dawladda haatan ku jirana waa in lagu dhaqaaqaa si deg deg iyadoo lala tashanayo agoonyahanaga Soomaliyeed , gaar ahaan Guddoomiyaasha Gobolada iyadoo la maalgelinaayo gobolaha iyo ganacsatadooda.

Mudan iyo marwooyin, Qaabkan cusub ee maamul wadaaga , waxaa laga isticmaala caaalmka , sida dalka Ingiriiska, iyo dalal kale. waxaan qorshahan waxuu noo saamaxayaa in si fudud loola dagaalama shaqa la’aanka, abaarta , iyo baahiha noo horseeda colaada farbadan , waxuu dardar cusub gelinayaa dib u hesheyn , dhaqaal ahaan gobol weliba waxuu gaaraya isku filnaado . gobol welibana waxuu hanan shaqaale deegaanka u dhashay oo bixiya cashuurta federalka ee dawladda dhexe.

Dawladda dhexe ee federallka waxay kabi doontan addega aasaasiga ee maanta ku adag ,waxaa soo geli doono dakhli aan hadda la qayaasi karin, oo ka badnaan doono cashuurta laga helo Gobolka Benaadir , marka aan helno dhakhligaa Xildhibaanada soomaaliyeedna waxay bilaabi doonaan hirgelinta qorshana cusub ee doorashada Madaxwenaha ee ka dhici doonta Gobolada soomaaliya.
Waxaa hubaal ah in si lama filaan u soo laaban doono xasiloonida gobolada koofureed, gobol weliba iyo wasaaradisa waxay si buuxda u hawl geli doonta nabadeynta Gobolkooda iyadoo muhimaha koowaad la siinayo adeega bulshada.

Qorshhan waxuu fududeyn doonaa mushaarka shaqaalaha, Ciidamada iyo xildhibaabada soomaliyeed oo mushaarkooda ka qaadan doona xarruumaha 18ka Golaha shacab ee goboladda , waxuuna xildhibaan weliba la shaqeyn doonaa shacabka ku nool degaanka uu ka soo jiido isagaa huwan sharaftii magaciisa/magaceeda iyo calanka deegaankiisa.

Ugu danbeyn, Gobol gobol kale muqunin kala ma jira, Gobol weliba si uu u baahi beylo waxaan madaxda soomaaliyedd ka codsaneynaa in la tixgeliyo qorshahan cusub ee maamul wadaaga ah oo runtii waxuu noo horseedi doonaa cadaalad, sinaan , iyo kala danbeyn ku dhisan magaca dawladda federalka Soomaliyeed. Barbarkey ka baxdaa waa bakey qaliin.

Liibaan Ciise
liibciise@hotmail.com
Mob:+44 (0) 7854750256

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here