Wariyihii Lagu Dilay Magaalada Laas-caanood oo Fadeexad Kasoo Baxeyso inay Mas’uuliyiin ka Dambeeyeen (Warbixin)

Allaha unaxariistee Wariye Axmed Faarax Ilyaas (Axmed Saakin) oo dhawaan lagu dilay magaalada Laas-caanood ee Xarunta gobolka Sool ayaa waxa hadda kasoo baxay faah faahino kala duwan qaabka loo dilay.

Mid ka mid ah ehelada  wariyaha la dilay oo lasoo xiriiray Midnimo.Com ayaa waxa uu sheegay inay ogaadeen dadka ka dambeyey dilkiisa kuna eedeeyeen inuu dad udiray gudoomiyaha gobolka Sool.

Waxaa isagoo wareysiga inta uu bixinayey caro laga dareemayey codkiisa ayaa waxa uu sheegay inay hayaan cadeymo ah inay ka dambeeyaan dilkiisa gudoomiye Xaaji maxamuud Cali jeel yare oo ah gudoomiyaha gobolka Sool.

“Walaalkeey waxaa dilay gudoomiyaha gobolka Sool waana la xaqiijiyey inuu isagu dilka ka dambeeyo,walaalkeey jaamacadii labaad ayuu ka baxay dibada ayuu fursad shaqo u aadi rabay ayuu yiri wiil la dhashay axmed faarax ilyaas”.

Xiriir aan la sameynay gudoomiyaha gobolka Sool Xaaji maxamuud Cali juul yare ayaa inoo taabageli weysay inan taleefoonka ku helno waxaase dadka ehelada la ahaa wariye Axmed Sakin ee la dilay inay aar gudan doonaan.

22-kii bishii hore ee October 2012 ayaa xilli habeen ah waxa lagu dilay wariye katirsanaa tv-ga Universal allaha unaxariistee wariye Axmed Sakin Faarax waxaana dilkiisa lagu eedeeyey inuu ka dambeeyey gudoomiyaha gobolka Sool.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here