Wariyihi xalay lagu dilay Gaalkacyo oo saakay la aasayo

Waxaa saakay lagu wadaa in la aaso wariye Farxaan Jeemis Cabdulle oo xalay kooxo hubeysani ku dileen magaalada Gaalkacyo.

Saxafigaan ayaa u shaqeynayey idaacada Radio Daljir oo xafiisyo kala duwan ku leh qaar ka mid ah gobolada Puntland, waxaana la toogtay xilli uu marayey xaafada Garsoor ee waqooyiga Gaalkacyo isaga oo kusii jeeday gurigiisa.

Aaskiisa ayaa waxaa la filayaa in ay kasoo qeybgalaan saxafiyiinta gobolka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada, iyadoo ay sii kordheyso cabsida saxafiyiinta ka howlgala Gaalkacyo oo sheegaya in aanan wali loo qaban dilalka saxafiyiinta dadki geystay.

Dilkan ayaa noqonaya kii labaad oo Wariye loogu geysto Magaalada Galkacyo, iyadoo bil ka hor Wariye lagu magacaabi jiray Cali Axmed Cabdi ragg hubeysan ay ku dileen Waqooyiga Galkacyo.

Sanadkan gudihiisa ayaa lagu dilay Soomaaliya ilaa shan suxufi, oo lagu kala dilay Magaalooyinka Muqdisho, Beledweyn iyo Galkacyo oo dilkii u dambeeyay caawa uu ka dhacay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.