Wariyihi xalay lagu dhaawacay Muqdisho oo xaaladiisu soo hagaageyso

Dhaqaatiirta isbitaalka Madina ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay soo hagagaeyso xaalada wariye Maxamed Nuu Shariif oo xalay kooxo hubeysani ku dhaawaceen degmada Xamar Jajab.

Saxaifgan ayaa waxaa xalay dhaawac halis ah gaar siiyey 3 nin oo bisboolado ku hubeesnaa kuwaasi oo meel mugdi ah uga soo baxay kadibna intay dhinacyada ka mareen rasaas ooda uga qaaday.

Cabdulqadir Maxamed Jimcaale oo ka mid ah wariyaal xalay kula baryey Maxamed Shariif isbitaalka Madiina ayaa sheegay in ay dhibanaha uu u sheegay in lagu riday 10 xabadood balse uu ka cararay isla markaana ay laba xabadood haleeshay.

Waxa kale oo ay ka wariyeen Shariifka oo haatan hadli karo in marki xabadaha ay ku bilowdeen isla markaana uu ka orday uu askari ka tirsan ciidanka dowlada oo goobta ka ag dhawaa xabado ku furay ragi soo weeraray.

Shariifka ayaa waxaa la sheegay in laga soo saaray beer yaraha marki ay xabadu ka haleeshay, waxaana dhaawaciisa haatan uu u muuqdaa mid ka fudud sidi uu ahaa.

Arintaan ayaa waxaa walaac ka muujiyey ururka saxafiyiinta NUSOJ oo ku tilmaamay arrin aad loogaga naxo.

NUSOJ oo war saxaafadeed kasoo saartay dhaawaca Shariifka waxay leedahay waa marki labaad oo lagu dhaawacayo Muqdisho wariye Shariifka mudo 3 bil gudahood ah.

“Waxaa lagu riday in ka badan 10 xabadood laakiin nasaiib wanaag laba ayaa ku dhacday oo midi dhabarka dambe ayey kaga dhacay, mid kalena hore xabadka ay kaga dhacday, waxayna hoos martay wadnaha, taasoo sababtay dhiig bax gudaha ah. dhaqaatiirta ayaahada la tacaalaya oo qaliin ku sameenaya,” ayey tiri Sahro Cabdullahi Ciise oo ah suxufiyad ka howlgasha TV-ga afka Somaliga ku hadla ee S24, taasoo caawisay weriyaha la dhaawacay, waxayna intaasi ku dartay “Waxaa laga saaray beer-yarada intii qaliinka uu ku socday,”

Ilaa hadda ma cadda sababta ka dambeysay weerarkan, cidana weli ma sheegan masuuliyada falkan.

“Waxaanu cambaareenaynaa weeraradan naxariis darada ah ee lagu hayo saaxiibadeena iyo weliba kuwa weerarka geysta oo weli aan la ciqaabin,” ayuu yiri xoghayaha guud ee NUSOJ Mohamed Ibrahim, “Waxaanu ugu baaqaynaa dowlada Soomaaliyeed inay baaritaan deg deg ah oo dhex dhexaad ah ku sameyso dhacdadan.”

“Waxaan ku baaqaynaa in la soo afjaro dembiyadan khatarta ee ka dhanka ah suxufiyiinta, isla markaana aan looga harin kuwa dilalka geysta iyo dambiilayaasha ee weli shirqoolaya suxufiyiinta iyo dadka u shaqeeya warbahinta.” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Mohamed Ibrahim.

Mohamed Sharif waa markii labaad oo la dhaawaco, iyadoo 4-tii April ee sanadkan 2012-ka dhaawac fudud uu ka soo gaaray kana mid ahaa koox weriyayaal ah oo ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay xarunta tiyaarka qaranka ee Muqdishu, qaar ka mida weriyayaashaasi ayaa xaaladooda ay liidataa.

Lix suxufi ayaa lagu dilay Somalia shan bilood gudaheed, taasoo ka dhigaysa Somalia meel halis ah oo ay ku howl galaan suxufiyiinta madaxa banaan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.