Wariyihi u horeeyey oo reer Galbeed ah ayaa maanta lagu dilay Suuriya

Wariye u dhashay dalka Faransiiska Gilles Jacquier ayaa maanta lagu dilay magaalada Homs ee Syria kaasi oo noqday saxafigi ugu horeeyey oo reer Galbeed ah oo ku dhinta xasilooni darada dalkaasi.

Saxafigaan ayaa la sheegay in dowlada ay amar u siisay inuu u socdaalo magaalada uu ku dhintay sida uu xaqiijiyey TV-ga France 2 channel oo uu usoo waramayey.

Telafashinka dalka Syria ayaa sheegay in Jacquier uu ka mid ahaa sideed ruux oo maanta la dlay, saaxibkiis ayaa isna xaqiijiyey in wariyaha uu wareysi la yeeshay qaar ka mid ah dadka kasoo horjeedo dowlada daqiiqado ka hor inta uusan dhiman.

Kooxaha mucaaradka ayaa sheegaya in maanta oo kaliyah lagu dilay dalka Suuriya ilaa iyo 15 ruux oo ay ku jiraan sadex qofood oo lagu qaarijiyey magaalada Homs.

Wasiirka arrimaha dibada dalka Faransiiska Alain Juppe ayaa cambaareeyey isaga oo dalbaday in cadeyn buuxda in laga siiyo waxa dhacay.

Jacquier, oo ahaa 43 jir ayaa ka mid ahaa 15 saxafi ajnabi ah oo loo ogolaaday in ay galaan magaalada Homs si ay ula hadlaan dadka deegaanka.

Dowlada Suuriya ayaa ka mamnuucday saxafiyiinta reer Galbeedka in ay kasoo waramaan xaaladaha xasilooni darida ah ee ka bilowday dalkaasi bishi March ee sanadki hore.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.