Wariyihi Midnimo.com ee Muqdisho oo la xiray

Ciidamo ka tirsan kuwa nabadsugida Dowlada KMG Soomaaliya ayaa maanta xabsiga dhigay wariyihi shabakada wararka ee Midnimo.com uga soo warami jiray magaalada Muqdisho.

Bashiir Cadow oo ka mid ahaa xafiiska wararka Midnimo.com ee magaalada Muqdisho waxaa isaga oo gudanaya waajibaadkiisa shaqo xarig kula dhaqaaqay ciidamo ka tirsan Hey’ada Nabadsugida xilli uu ku sugnaa garoonka kubada cakta Koonis ee degmada C/casiis.

Bashiir ayaa xiligi la qabanayey sawiro ka qaadayey banaan bax maanta ka dhacay garoonka Konis oo lagu taageeray kabixsti Al Shabab ee magaalada Mudiqsho 6-di August sanadki 2011.

Sida ay inoo sheegeen qaar ka mid ah wariyaal la socday, Bashiir ayaa waxaa lagu xiray xabsi ku yaala xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho, walina ma cada sababaha loo xiray.

Maamulaha guud ee Midnimo.com Dahir Abukar ayaa ugu baaqay Dowlada KMG Soomaaliya in ay si shuruud la,aan ah xuriyadiisa dib loogu soo celiyo saxafigaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here