Wariyhi Radio Shabelle uga soo warami jiray Baladweyne oo la dilay

Rag hubeysan ayaa galabta ku toogtay magaalada Baladweyne wariye Mahad Salaad Aadan oo idaacada Shabelle u qaabilsanaa gobolka Hiiraan.

Saxafigaan u shaqeynayey Raadiyaha Shabelle ee magaalada Muqdisho mudo ku siman sadex bilood ayaa waxaa dilay sadex nin oo wajiyada soo duubtay isla markaana ku hubeesnaa bistoolado.

Sida ay sheegeen dad goob joog ah Mahad  Salaad ayaa waxa uu kasoo baxay gurigiisa oo ku yaala xaafada H/wadaag inti uusan u talaabin wadada dhinaceeda kalana waxaa kusoo baxay rag hubeysan kuwaas oo ka toogtay madaxa.

Ciidamada dowlada ee ku sugan Baladweyne oo goobta soo gaaray ayaa la sheegay in ay dileen mid ka mid ah kooxihi falkaasi ka danbeeyey sida uu sheegtay mid ka mid ah saraakiisha dowlada.

Lama oga sababta loo beegsaday, hase yeeshee idaacada Shabelle oo xarunteedu tahay Muqdisho ayaa dhowr jeer waxa ay isku dhaceen Al Shabaab, iyadoo digniino kala duwan loogu jeediyey dhalinyarada ka shaqeysa bog ay Al Shabaab ku leeyihiin internetka.

Waa saxafigi labaad oo ka tirsan Shabelle oo la dilayo sanadkaan, bishi Febraury ayaa waxaa lagu dilay magaalada Muqdisho, wariye Xasan Fantastic oo ahaa agaasimihi hore ee Idaacada Shabelle.