Wariye Yusuf Farey oo Muqdisho lagu aasay

ALLA ha u naxariistee wariye Yusuf Fareey oo saakay rag hubeysani ku toogteen degmada Dharkeenley ayaa lagu aasay isla maanta qabuuraha Baqdaad ee degmada Wadajir magaalada muqdisho.

Aaska saxafiga ayaa waxaa ka qeybgalay qeybaha kala duwan ee Bulshada haba ugu badnaadeen saxaafada, waxaana halkaasi ka hadlay qaar ka tirsan ururada saxaafada.

Dhanka kale dilkiisa waxaa faah faahiyey madaxda maamulka degmada Dharkeenleey gaar ahaan gudoomiye ku xigeenka ninka lagu magacaabo Yusuf Kabaale.

Gudoomiye ku xigeenka degmada Dharkeenleey, Yusuf Kabaale ayaa sheegay in ay ogaadeen dilka in ay ka danbeeyeen laba nin oo ku labisnaa dareyska ardayda iskuulada kuwaasi oo mid ka mid ah ugu galay garaash uu baabuurkiisa kala soo baxayey.

Yusuf Fareey oo ahaa rug-cadaa mudo ka badan 30 sano ku dhex jiray saxaafada ayaa ahaa agaasimaha qeybta diiwaangelinta iyo bixinta FM-yada ee wasaarada warfaafinta, waxa kale oo uu ahaa wariye kasoo shaqeeyey Radio Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here